Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siweyn indhaha ugu haya dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne…

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siweyn indhaha ugu haya dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh oo shaaciyey inuu haysto muddo hal sano oo muddo xileed ah ayaa aaminsan in cidda ugu dhaw ee kula loolami karta Muqdisho ay tahay Sheekh Shariif, taasi oo sababtay inuu qaado saddex tallaabo siweyn loo hadal hayo.
- Saraakiil badan oo kasoo jeeda beesha madaxweyne Shariif ayaa laga qaaday xilalkii ay hayeen, halka qaar kalena loo wareejiyey xilal hoose ama laga fogeeyey Muqdisho.
- Madaxtooyada gudaheeda waxaa laga saaray askar iyo saraakiil ku beel ah madaxweyne Shariif laguna tuhmayey inay xiriir dhow la leeyihiin Shariif Sheekh Axmed, si looga hortago gudbinta xogaha gudaha iyo kala safashada haddii xaaladdu isku beddesho isku dhac siyaasadeed.
- Ammaanka madaxtooyada ayaa lagu wareejiyey ciidamo iyo saraakiil beesha hoose ee madaxweynaha ah kuwaas la tababaray lana qalabeeyey muddada uu Xasan Sheekh xilka hayey.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh uu joogo bar dhammaadkii xukunkiisa, wuxuuna sheegay inay qaadi doonaan tallaabo walba oo dalka lagu badbaadinayo.



