Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta loo dhisay maamulka Waqooyi Bari.

17 September, 2025

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhismaha…

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari Somalia oo dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Laascaanood.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gobolka Sool uu yahay mid siyaasad ahaan xasaasi ah horayna loogu diley Madaxweyne Soomaaliyeed, sababtuna ay tahay inuu xuduud u ahaa Talyaaniga iyo Ingiriiska.

“Taariikh ahaan gobolka Sool waa meel xasaasi ah, waa halkii lagu dilay madaxeynihii ugu dambeeyey ee dadku soo doorteen, waana xuduudii Ingiriiska iyo Talyaaniga”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kalena, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in haddii aysan maamul ka samayn gobolka Sool uu dhibaato ku ahaan lahaa maamulada Puntland iyo Somaliland sida uu hadalka u dhigay,”Haddii aannan maamuul u samayn waxa ay dhibaato ku keeni lahayd Putland iyo Somaliland.”