Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xiriirka Dowladda Federaalka ay la leedahay…

3 July, 2026

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xiriirka Dowladda Federaalka ay la leedahay Puntland iyo aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Dowladda Israel.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Puntland aysan hadda qeyb ka ahayn wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, isla markaana ay Somalia uga mid tahay af ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulkaas waa laga jaray dalka, wax xiriir ahna nagama dhexeeyaan.” Hadalkan ayaa imanaya iyadoo muddooyinkii u dambeeyay uu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa fariin u diray shacabka iyo madaxda Somaliland, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay weli u aragto walaalo Soomaaliyeed oo muhiim u ah midnimada dalka.

“Walaalaha reer Woqooyi, soo noqda, waan idiin baahannahay, mana kala maaranno, Nagu qanciya in aan idin fasaxno”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, isagoo ka hadlayay dalabka madax-bannaanida Somaliland, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wadahadal, balse loo baahan yahay in la helo qancin ku saabsan sababta ay Somaliland uga go’i lahayd Soomaaliya.