Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kenya kala hadlaya aqoonsigii Somaliland.

6 January, 2026

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu baxaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo…

Xasan Sheekh Safar sucuudiga

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu baxaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya, William Ruto, si ay uga wada hadlaan xiriirka labada wadan, ammaanka gobolka iyo midnimada Somalia.

Labada hoggaamiye oo yeelan doona kulamo rasmi ah ayaa diiradda si gaar ah u saari doona faragelintii maamulka Israel ku sameeyey midnimada Soomaaliya iyo aqoonsigii maamulka Somaliland ee Jamhuuriyadda Somalia.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa xaqiijiyey in labada dhinac sidoo kale ka arrinsan doonaan ammaanka Geeska Afrika, la dagaalanka Al-Shabaab iyo arrimaha biyaha caalamiga ah ee badda Cas.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah dalalka Africa ee aan weli ka hadlin aqoonsiga Somaliland ay ka heshay maamulka Israel, waxaana la filayaa in kulankaan uu noqdo mid lagu adkeyn doono mowqifka dowladda Soomaaliya ee arrintaas.