Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa ku adkeystay muhiimadda iskaashiga heer qaaradeed ee lagu wajaho dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
Xasan Sheekh ayaa sharaxay tallaabooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada. Waxaa ka mid ahaa soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC, ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo abuurista Sanduuqa Qaran ee Cimilada.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay door aad u yar ku leedahay sababaha horseeda isbeddelka cimilada balse ay ka mid tahay dalalka ugu nugul ee dhibaatadu si toos ah u saamayso. Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay taas oo saameysay 7.8 milyan oo qof keentayna barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiradda saartay baahida loo qabo iskaashi caalami ah. Wuxuu si gaar ah ugu baaqay beesha caalamka in la kordhiyo taageerada la xiriirta ka hortagga iyo yareynta cawaaqibka cimilada.
Ugu dambayn Xasan Sheekh ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shirkan in laga soo saaro go’aanno waxtar leh oo heer qaaradeed ah kuwaas oo wax ka taraya mustaqbalka Afrika iyo dalalka nugul ee sida Soomaaliya oo kale la tacaalaya saameynta isbeddelka cimilada.




