Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia iyo wafuud kala duwan ayaa maanta Magaalada Laascaanood…

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia iyo wafuud kala duwan ayaa maanta Magaalada Laascaanood kaga qaybgalay caleema-saarka madaxda dowlad goboleedka Waqooyi Bari Somalia.
Munaasabadda caleema-saarka madaxda Waqooyi Bari ayaa laga jeediyey khudbado kala duwan oo diiradda lagu saaray midnimada dalka, arrimaha dibadda, maxaabiista ku xiran Laascaanood iyo Hargaysa iyo arrimo kale.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Waqooyi Bari ay maanta kadib noqotay maamul kamid ah maamul goboleedyada dalka ayna heli doonto xuquuq lamid ah maamulladda kale ee dalka
“Laascaanood waa caasimadda midnimada dalka.. Woqooyi-bari maanta ka dib waxa ay heleysaa waxkasta oo la mid ah maamullada kale”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia ayaa ugu yeeray maamulada Somaliland iyo Waqooyi Bari inay nabadda qaataan isla markaana sii daayaan maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaaladii dhacay 2023.
“Walaalaha Somaliland, waxkasta oo aan ahayn midnimada waan uga tanaasuleynaa oo wada-hadal ayaan ka oggol nahay, Cudur-daar looma hayo in wiilal Soomaaliyeed sii xidhnaadaan waxa aan ka shaqaynaynaa in la siidaayo wiilasha siyaasadda qaloocatay u xidhan.”



