Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyey inuusan ka tanaasulin mawqifkiisii…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyey inuusan ka tanaasulin mawqifkiisii ku aadanaa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo Villa Somalia diyaarisay.’
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wajahaya cadaadisyo dibadeed iyo kuwa gudaha ah ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in dalku horay u socdo uusanna dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa.
“Waxaan marnaba laga tanaasulikarin in dadka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ee doorashada hoggaamiyaha ay doonayaan 57 sano kaddib. Doorashooyinkii aan loo dhammeyn ee dalka kasoo dhacay waxaan ka dhaxalnay dhibaatooyin badan oo amni-darro ugu horreysay”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inta badan isimadii ka qaybgalay munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu talada dhulka dhigo aanna laga aqbali doonin wixii uu ka diidey dowladdii hore.



