Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir kula qaatey Wasaaradda Gaashaandhigga dhamaan taliyaasha ciidanka iyo kuwa sirdoonka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay maanta oo Axad ah xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS.
Madaxwaynaha ayaa kulammo la qaatay Wasiiru dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida iyo Agaasimaha hay’adda nabad sugidda, kulankan ayaa daarnaa si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha booqashadiisa kadib.

Iyada oo subaxnimadii Axadda Madaxweynaha kormerkiisa darteed loo xirey wadada hawlbowlaha ahaan jirtey ee Makka al-Mukarama iyo tan ka baxda Tarabuunka ilaa Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in la bilaabayo dagaaladii ka dhanka ah Al-Shabaab oo hakad ku jirey muddooyinkan.