Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey inuusan muddo kororsi…

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey inuusan muddo kororsi samayn doonin isla markaana uu doorashada dalka ku qaban doono xilligeeda dalka.
Waxa uu sheegay inuu haysto dhaqaale iyo waqti ku filan si loogu qabto doorashooyin qof iyo cod ah oo ka qabsooma dalka, uuna ka dhabayn doono hirgelinta doorashooyinkaasi, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan aaminsanahay in waqtiga noo haray doorashada lagu qaban karo, kharashka doorashada waxaa bixineysa dowladda Soomaaliya, mowqifkeyga waa la garanayaa, waligey muddo kororsi ma ogolaan, inaan xafiiskaan ka tago welwel iguma heyso”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray,”habeenkii doorashadii hore la iiga guuleystay aniga oo qoslaya ayaan hoolka ka soo baxay, hadana in doorashada la iiga adkaado waxba kama qabo ee waxaan rabaa dalkaan waddo sax ah inuu maro.”



