Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku goodiyey inuusan ka laaban doonin qorshahiisa.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey inuusan ka laaban…

6 April, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey inuusan ka laaban doonin qorshihiisa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo laga qabto dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in xilligiisii ololaha uu shacabka Soomaaliyeed ka ballanqaaday laba arrimood oo kala ahaa dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah uuna dhammaystiri doono.

“Bulshada Soomaaliyeed, waxaan ka ballan qaadnay laba arrimood oo ka kala ah dhammeystirka dastuurka dalka iyo doorasho qof iyo cod ah. Alle idinkiis waan fulinaynaa ballan-qaadkaas”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka ayaa siweyn u qaadacay waxka-beddelkii qodobada dastuurka iyo qorshaha Madaxtooyada Somalia ee qabashada doorashooyin aan dhinacyada siyaasaddu heshiis ku ahayn.