Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku laabtay Muqdisho.

26 March, 2025

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib…

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku sugnaa furimaha dagaalka deegaamada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa kulamo lasoo yeeshay waxgaradka & ciidanka deegaanada Raagga Ceele & Cadale ee Shabeelaha Dhexe, oo uu kala hadlay sidii Argagixisada looga ciribtiri lahaa deegaamada Hirshabeelle.

Dibu noqoshada madaweynaha ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa saacado kadib markii Alshabaab qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Guduud, oo ay dhowaan madaxtooyada Soomaaliya geysey hub iyo sahay ciidan.