Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan deegaamada Galmdug.

17 August, 2025

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa kulamo la qaadan doona madaxda Galmudug, saraakiisha ciidanka iyo qaar kamid ah hoggaamiyayaasha beelaha ee Galmudug.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa HM u xaqiijiyey in socdaalkaani salka ku hayo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, hirgelinta doorashooyinka ay waddo DFS iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa horay Galmudug marar badan kaga dhawaaqay qorshayaal lagu ciribtirayo kooxda Alshabaab, inkastoo 2025 ciidanka Dowladda lagala wareegey deegaamo badan oo katirsan koonfurta dalka.