Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Laascaanood kadib aqoonsigii Somaliland.

11 January, 2026

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilowday dedaalo ay ku muujinayso awooddeeda gobolada Waqooyi ee dalka…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilowday dedaalo ay ku muujinayso awooddeeda gobolada Waqooyi ee dalka kadib aqoonsigii Israel ee maamulka Somaliland oo qayb ka ah Somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo horay dhawr jeer uga cududaartay booqashada magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa aqbalay ka qaybgalka caleema-saarka madaxda maamulka Waqooyi Bari Somalia.

Tallaabadaan ayaa lagu muujinayaa in khariidadda dhuleed ee Somaliland ay la wadaagtey Israel ay tahay waxba kama jiraan isla markaana uu dhulkaasi yahay maamul ka madax-banaan Hargaysa.

Dhanka kalena, shirka golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ah ku yeelan doona magaalada Laascaanood, talaabadan ayaa la sheegay in Villa Somalia uga jawaabayso aqoonsigii ay dowladda Israa’iil dhowaan siisay Somaliland.