Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Magaalada Laascaanood.

17 October, 2025

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan…

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Laascaanood ayaa salka ka ku haya ka qaybgalka caleemasaarka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) oo markii labaad xafiiska loo doortay.

Inta badan waddooyinka Magaalada Laascaanood ayaa la suray saiwrrada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalka ah ee Somalia, oo xubno ka agdhaw shaaciyeen inay ka qaybgeli doonaan caleema-saarka hoggaanka Waqooyi Bari.

Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed gaaro Laascaanood tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Somalia, maadaama inta badan uu gacanta ku hayey Maamulka Somaliland oo ku dhawaaqay inuu ka goostay Somalia inteeda kale.