Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Magaalada Baydhabo.

5 April, 2026

Madaxweyna dowladda Federaalk Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ka wada kulamo uu la qaadanayo Mas’uuliyiinta…

Madaxweyna dowladda Federaalk Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ka wada kulamo uu la qaadanayo Mas’uuliyiinta heer federal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo kunool.

Kulamadaan ayaa la xariira sidii uu xal waara ugu raadin lahaa xaaladda deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed oo dhammaadkii bishii Maarso ay ka dheceen isbeddelo ay DFS hormuud u tahay xilkana looga tuuray Madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba in uu ku qanciyo dhamaan dhinacyada siyaasadda Koonfur Galbeed in ay u diyaar garoobaan aragtida doorashada ee dowladda Federaalka, taas oo ah doorasho qof iyo cod.

Rabitaanka Dowladda Somalia ee Koonfur Galbeed waxaa garab socda siyaasiyiin xil-doon ah oo Madax-banaan ayna kamid yihiin Maxamed Aadan Farkeeti iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaarey Magaalada Baydhabo.