Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaal & xubnaha matala gobolada Waqooyi.

28 December, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed ay dadaal xoogan galisay ilaalinta qarannimadda iyo midnimada dalka, iyada oo u maraysa xeerarka caalamiga ah, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo ka hortagga damaca gurracan ee wiiqaya jiritaankeenna.

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada K/Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-bari iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ee kulanka ka qayb galay ayaa adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka digay cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karta Gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaalada diblomaasiyadeed ee gudaha iyo dibedda uu ka wado.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala, Gobolada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aadan, hannaanka loo wajahayo, ka hortagga fara-galinta shisheeye iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ka dalbaday in ay qaataan doorkooda ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo wadajirka Ummadda soomaaliyeed.