Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaadanaya dhammaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka…

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaadanaya dhammaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib ansixintii dhowaan lagu meel mariyey Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ujeeddada kulanka ayaa lagu sifeeyey sidii Madaxweynuhu ugaga mahadcelin lahaa Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen qorshihii looga guurayey dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee Somalia.
Dhanka kalena, Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa kulanka isku weydaarsan doona xog ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee uu xilligan marayo dalka.
Waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia ayaa waxaa ka soo horjeestey siyaasiyiinta mucaaradka, maamulada Puntland, Jubbaland iyo qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia.



