Madaxweyne Xasan Sheekh oo maamulada kala tashanaya safar uu ku tegayo Kismaayo.

23 October, 2025

Madaxwaynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir deg-deg ah oo ka qabsoomi…

Madaxwaynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir deg-deg ah oo ka qabsoomi doona Muqdisho ugu yeeray qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Shirkaan oo laysugu yeeray Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Hirshabele iyo Koonfur galbeed,si uu ugala hadlo safar dhawaan uu ku tagi doono magaalada Kismaayo oo markale kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadiyey inuu la fariisto Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac, taasi oo sababtay in Madaxweynuhu latashi la galo madaxda maamulada ka agdhaw.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa horay ugu kala kacay shirkii Kismaayo iyagoo soo saaray war-saxaafadeedyo laga dhawray magacyada iyo xilalka midba midka kale.