Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Kismaayo.

5 October, 2025

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Guud ahaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garawga soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shalay galinkii dambe ay magaaladaas gaareen ilaalada madaxweynaha.

Majiraan faahfaahino dheeri ah oo laga bixiyey qodobada looga arrinsan doono shirka kulanka Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud, xilli la ogyahay in dowlada federaalka aysan aqoon sanayn Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kale dagaallo dhiig badan ku daateen labada dhinac ku dhexmareen gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa dedaal xooggan ku bixiyey isukeenista labada dhinac, waxaana hore u jiray wadahadal khadka taleefoonka oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe dhexmaray.