Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u diray maamulka shacabka gobolada Waqooyi.

9 January, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay tallaabadii uu Maamulka…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay tallaabadii uu Maamulka Israel dowlad madax-banaan ugu aqoonsaday maamulka Somaliland ee qaybta ka ah Somalia.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in DFS oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo ay barbar socoto dhageysiga iyo ka garowsiga dhammaan tabashooyinka Gobollada Waqooyi.

“Shacabka Soomaaliyeed ee Waqooyigow ictiraafka idin kama jiro, Natanyaahu ee waxa uu dinka jiraa dowladda iyo shacabka Soomaliyeed oo aad wadaagtaan diin iyo dadnimo”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka iyo madaxda Somaliland.

Dhanka kalena, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyey in midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan isagoo ka hadlayana wuxuu yiri Madaxweyne Xasan “Waxaan cadeynayaa in JFS ay tahay dal xor ah, dhulkiisana aan lagu kala goyn karin warqad uu qoray Netanyahu. Qorshaha Israa’iil waa hirgelinta saldhigyo milatari oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Dhexe.”