Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale muujiyey sida ay uga go’antahay…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale muujiyey sida ay uga go’antahay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod oo khilaaf siyaasadeed ka taagan yahay.
Xasan Sheekh, oo la hadlayey dhalinyarada Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 57 sano kadib uu dalka gaarsiin doono xilli dadku soo doortaan mas’uuliyiinta kumatali doonta xafiisyada ugu sarreeya dalka.
“Dhallinyaro sidaad ugu soo baxdeen ciyaarta kubadda cagta ugu soo baxa doorashooyinka dhawaan ka bilaaban doona degmooyinka Gobolka Banaadir, si aad u soo doorataan dadka idiin matali kara danahiinna iyo deegaankiinaba, waxaad haysataan fursad, go’aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiinna”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.



