Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale qaabilay madasha samatabixinta mucaaradka.

3 July, 2025

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu weli sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga…

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu weli sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu Madaxtooyada mar kale ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin hore.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saarayaa ajandayaashii horay loogu heshiiyay oo ay kamid ahaayeen dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyinka tooska ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.