Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyey masaajidka Isbahaysiga ayaa…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyey masaajidka Isbahaysiga ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, ammaanka Muqdisho iyo is-haynta kala dhexaysa Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey dalabyada mucaaradka ayaa sheegay in maamulkiisu uusan waxba diidanayn haseyeeshee ay dhinacyada mucaaradku yihiin kuwa aan lahayn dhinac loo raaco sida uu hadalka u dhigay.
“War waxba ma diidanin laakiin siyaasiyiinta cibaaro ayaa naga haysata wax ay shalay oggolaadeen ayey maanta diidayaan, arrinta Dhulka waxa ka mas’uula dowladda-hoose ee Xamar, sida Garoowe, caasimaddu obasiibo [isku-raran] ma sii ahaanayso, adduunyada dad faqri ah waa qabtaa” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kalena, Madaxweynaha DFS oo ka hadlayey ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isagoo ah Madaxweynihii dalka uusan qaadan wax gaadiid dagaal ah, taasi beddelkeedana aysan aqbali doonin in mucaaradku gaadiid dagaal ku kaxaystaan caasimadda.
“Aniga oo Madaxweynaha dalka ah ma qaato gaadhi qori dhashiike ah uu ku xidhan yahay, cid kalena laga aqbali maayo in ay Muqdisho ku dhex wadato baabuur qoryo saaran yihiin”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.



