Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe uu wadatashi isugu yeerayo…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe uu wadatashi isugu yeerayo dhinacyada ka soo horjeeda si loo wajaho duulaanka Somalia kaga yimid Isra’il.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa bilaabay in uu xidhiidho la sameeyo madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiinta mucaaridka & dowlad-goboleedyada ka soo horjeeda siyaasaddiisa, si mowqif midaysan looga qaato aqoonsigii Yuhuudda ee Somaliland.
Dhanka kalena, xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa lafilayaa inay soo saaraan bayaan ku aaddan xaaladda dalka iyo go’aankii maamulka Isra’il.




