Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay fashilka ku…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay fashilka ku yimid shirkii Villa Somalia iyo Madasah ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay bixisay fursad aysan mucaaradku xaq u lahayn sida uu hadalka u dhigay, ayse fashiliyeen siyaasiyiinta mucaaradka oo uu sheegay inaysan lahayn mabda’ siyaasadeed oo ay ka iibiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay inuusan ka laaban doonin dhammaan ballanqaadyadii uu sameeyey, aysanna macquul ahayn in dib loogu noqdo dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee horay Soomaalidu ugu heshiisay.
“Waqti badan ayaa ii dhiman, qaylo & xagxagasho dalkan kama shaqaynayso, war badeecad la imaada mucaaridoow, maalin dan-guud kama hadlaan Xasan uun bay ka shakeeyaan mana jirto siyaasad ay ku midaysan yihiin, anigu kama laabanayo waxkastaan ballan-qaaday”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.



