Madaxweyne Xasan Sheekh oo Puntland ku ammaanay dagaalka Daacish.

17 February, 2025

“Buuraha laga hadlayo beryahaan ee ku yaalla Puntland, beera yabaal, Bay ilaa gobolka Gedo meel aan askari Soomaaliyeed kula dirirayn cadawga argagixisada ah majirto”

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay si toos ah uga hadlay dagaalka ay ciidamada difaaca Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horrayn ku ammaanay shacabka, ciidamada iyo xukuumadda Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabaddiidka ah oo uu ku sifeeyey mid xaq ah ayna ku mutaysan doonaan ammaan xooggan, isagoo xusay in laga guulaysan doono cidkasta oo ku soo duusha dhulka Soomaaliyeed.

“Waanka adkaanaynaa dhinackasta ama Daacish ha haadeen oo aad aragteen dadka reer Puntland iyo dowlad goboleedka Puntland dagaalka adag ee ay kula jiraan oo shaqada ay qabteen mid ammaan mudan iyo dhammaan dowlad goboleedyada kale ee dagaalka la galay Alshabaab”, Ayuu yiri Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in xilligaan dadka Soomaaliyeed ay baraarugeen isla markaana ay garab joogaan ciidamadooda oo ka dagaalamaya dhammaan goboleda dalka sida uu hadalka u dhigay.