Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweynaha Galmudug.

9 April, 2026

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la…

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo guud ahaan dalka, xilli ay Madaxtooyada Somalia dabada ka riixayso hirgelinta dameceeda ku aadan doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka qabsooma.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay hoggaamiye Qoorqoor inuu doonayo in Galmudug ay noqoto maamulka 2aad ee laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah oo isku sidkan kadib Koonfur Galbeed oo la iclaamiyey 28-ka bishaan inay u dareeri doonto.

Dhanka kalena, Madaxda dowladda Somalia ayaan weli ku dhicin soo bandhigidda cidda ay la doonayaan musharaxnimada maamulka Galmudug, xilli hoggaanka maamulkaasi uusan ka hadlin waxka-beddelkii dastuurka dalka iyo arrimaha siyaasadeed ee xilligaan socda.