Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Taliyaha Guud ee Sirdoonka Sudan Sareeye Gaas Axmed Ibraahim Cali Mufaddal iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) Mahad Maxamed Salaad. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha sirdoonka ee labada dal oo horey u bilowday.
Intii uu socday kulanka Sareeye Gaas Mufaddal ayaa Madaxweynaha u gudbiyey farriin rasmi ah oo uga timid Guddoomiyaha Golaha Kumeelgaarka ah ee Kacaanka ee Sudan Mudane Cabdil Fataax Al-Burhaan taas oo lagu adkeeyey muhiimadda xiriirka labada dal.
Farriinta ayaa lagu muujiyey sida dowladda Sudan uga go’an tahay xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya iyo Sudan gaar ahaan amniga sirdoonka dhaqaalaha iyo arrimaha wadajirka danaha guud.
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha sirdoonka ee Soomaaliya iyo Sudan si wax looga qabto caqabadaha amniga gobolka iyo la dagaallanka khataraha wadajirka ah.
Soomaaliya iyo Sudan ayaa ah dalal muddo dheer xiriir diblomaasi ka dhaxeeyey iyadoo Sudan in ka badan 30 sano deeqo waxbarasho siinaysay ardayda Soomaaliyeed halka Soomaaliya ay shantii sano ee u dambaysay qaabilaysay muwaadiniin Sudan ah oo ka soo barakacay qalalaasaha dalkaas kuwaas oo qaar dib u dejin loogu sameeyey gudaha Soomaaliya halka qaar kalena shaqooyin ka heleen dhinacyada caafimaadka waxbarashada iyo farsamada gacanta.



