Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaatay go’aan la xiriira doorashooyinka dalka.

14 December, 2025

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inay ka go’antahay hirgelinta…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inay ka go’antahay hirgelinta hanaanka doorashooyinka qof iyo cod & ka dhabaynta balanqaadkii uu sameeyey xilligiisii ololaha doorashooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in xilligii ololaha doorashada isaga iyo siyaasiyiinta kale ay shacabka u balanqaadeen inay talada dib ug soo celin doonaan ayna doorashooyinka golaha deegaanku noqon doonaan tallaabadii ugu horraysay ee loo qaaday ka dhabaynta balanqaadkiisii.

“Maalin ayaa jirtay inaan aniga iyo rag badan oo saaxibbadeey ah oo siyaasiyiin ah aan dadka Soomaaliyeed inta soo hor-istaagnay aan balan qaadnay in mas’uuliyiinta ka talinaya aayahooda iyo mustaqbalkooda ay iyagu dooran doonaan oo ay go’aan ka gaari doonaan; ballan-qaadkaas aan maalin taas sameeyay ayey tani u tahay tallaabadii u horeysay ee xaqiijinaysay”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dedaalada dowladdiisu gelisey sugidda amniga ay suurageliyeen qaadashada kaararka iyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka dadweynaha oo Koonfurta dalka looga dareeri doono 25 December 2025.

“Inaan shalay isdiiwaangelinay, maanta kaarkii qaadanay berina codaynayno waxaa na soo gaarsiiyey mas’uuliyadda aan u qaadanay inaan dalkii iyo deegaankii nabad ka yeelnay”, Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli muddo kooban ka dhiman tahay muddo xasaanadeedka barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia iyo madaxda ugu sarraysa ee dalka aanna heshiis buuxa laga gaarin dhabbaha la aadi doono.