Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu dib u dhacay safarkii…

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu dib u dhacay safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh kutegi lahaa Maalinka Jumcada, si uu ula kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Wafti iyo ciidamo hor-dhac u ah Madaxweynaha oo maalinimadii shalay la qorsheeyey inay gaaraan Kismaayo ayaa weli ku sugan magaalada Muqdisho, taas oo muujinaysa in aysan suurtagal ahayd in madaxweyne Xasan Jumcada gaaro Jubbaland.
Hoggaanka Jubbaland ayaa la sheegay inay dalbadeen in Villa Somalia ku dhawaaqdo aqbalaadda doorashadii Axmed Madoobe, ka hor inta uusan madaxweyne Xasan tagin Kismaayo, taas oo la aaminsan yahay in ay caqabad ku noqotay safarka madaxweynaha.
Dhanka kalena, xubno katirsan madasha samatabixinta siyaasadda Somalia ayaa Nairobi kula kulmay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wadahadalka Jubaland iyo Dowladda Federaalka.



