Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dib…

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dib u eegis ku samayn doonto siyaasaddeeda ku wajahan Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in mudnaanta la siinayo wada-hadal, is-ixtiraam iyo dib u soo celinta kalsoonida u dhexeysa dhinacyada.
Mar uu ka hadlayey munaasabadda xuska 26-ka Juun, oo ah maalintii ay Gobollada Waqooyi xorriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo horseedi kara isu soo dhowaansho iyo wada-hadal. Wuxuu xusay in aan la aqbali karin hadallo dhaawacaya walaaltinimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dib loo qiimeyn doono habka loola macaamilo arrimaha Gobollada Waqooyi, isagoo xusay in raalli-gelin laga bixin doono hadallada gefka ah ee ay jeediyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ama shaqsiyaadka ka tirsan dowladda Federaalka. Wuxuu tilmaamay in hadallada noocaas ahi aysan ka tarjumayn siyaasadda rasmiga ah ee dowladda.
Ugu dambeyn, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin toos ah u diray shacabka Gobollada Waqooyi wuxuuna sheegay,“Wax kasta ayaan diyaar ula nahay, xataa kama oggolin hadal xun oo la idinka sheego. Walaalayaal, imaada“, Isagoo muujiyay baaq uu ku dhiirrigelinayo wada-hadal iyo isu soo dhowaansho si xal waara loogu raadiyo khilaafaadka jira.



