Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu baxay dalka Aljeeriya.

10 November, 2025

Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diyaarad gaar ah ka qaadday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,…

Safarka Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diyaarad gaar ah ka qaadday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib casumaad gaar ah oo uu ka helay dalka Aljeeriya.

Diyaaradda qaaday Madaxweynaha oo ay soo dirtay dowladda Aljeeriya ayaa ayaa habeenimadii xalay soo gaartey Magaalada Garoowe, waxaana saaka waftiga madaxweynaha u bilowday booqasho rasmi ah oo uu ku tegey dalkaasi.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa ka wada arrinsan doona xiriirka, Iskaashiga iyo danaha labada dhinac gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, tababarada diplomatisiiyiinta, iyo xoolaha.

Safarka Madaxweynaha Somalia ee dalkaasi ayaa ku soo beegmaya xilli muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedka hay’adaha dowladda aanna weli laysku raacin hanaanka doorasho ee dalku aadi doono 2026.