Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka…

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in Soomaaliya aysan weli ka maarmin taageerada ciidamada shisheeye, gaar ahaan dhinaca amniga, isagoo beesha caalamka ka dalbaday in la sii wado maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumarro muhiim ah oo dhinacyada dowlad-dhiska iyo amniga ah, balse uu weli jiro baahi loo qabo taageero dheeraad ah, si gaar ah xilliga kala-guurka ee mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay in tallaabooyinka ay qaadeen hay’adaha amniga Soomaaliya ay muhiim u yihiin dhismaha awoodda dowladeed, isagoo sheegay in dowladda ay xoojinayso hay’adaha amniga, dhiseyso ciidamada, horumarinayso awoodda sirdoonka, isla markaana ballaarinayso iskaashiga ay la leedahay dalalka kale.
“Kala-guurka loo sameynayo in mas’uuliyadda amniga si buuxda loogu wareejiyo Soomaaliya waa in si wanaagsan loo maalgeliyo, loo qorsheeyo marxalado, laguna saleeyo hay’ado Soomaaliyeed oo awood leh,” ayuu madaxweynuhu sheegay sida lagu soo tebiyey khudbaddiisa.




