Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey inay xiriir joogto ah lee yihiin Madaxweyne hore Farmaajo.

13 June, 2026

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay si joogto ah u…

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay si joogto ah u xiriiraan Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haseyeeshee xubnaha kale ee kujira mucaaradku ay hubaysan yihiin uusanna wax xiriir ah ah kala dhexayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo mar kasta waan wada-hadalnaa, farriimo ayaan isku qornaa, laakiin saaxiibadeyda kale [Madasha Mucaaridka] qoryo ayey qaateen taasna ma aha siyaasad”, Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheegashada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaysa xilli madasha samatabixinta iyo Farmaajo isku khilaafeen hanaanka qorshe midaysan loogu wajahayo wadahadallo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka oo la qorsheeyey inay ka qabsoomaan Muqdisho.

Siyaasiyiinta mucaaradka, Puntland, Jubbaland iyo xildhibaano katirsan labada aqal ayaa horay ugu dhawaaqay inuu dhammaaday mudddo xileedkii Xasan Sheekh Maxamuud ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo qorshihiisa muddo kororsiga.