Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Israel ay qorsheynayso inay saldhig ciidan oo badeed…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Israel ay qorsheynayso inay saldhig ciidan oo badeed ka sameysato magaalada Berbera ee Somaliland, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaaladaasi.
Waraysi uu siiyey warbaahinta Aljazeera ayuu ku sheegay in tallaabadan, haddii ay hirgasho, ay Israel u sahli karto inay si istiraatiiji ah ugu soo dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iran, wuxuuna xusay in arrintaasi ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dadka ku nool Somaliland aysan doonayn in dhulkooda loo adeegsado saldhigyo ama hawlgallo militari oo Israel leedahay, isagoo siweyn uga horyimid faragelin kasta oo lagu sameeyo jamhuuriyadda Somalia.
Hadalka Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli xiriirka Israel iyo Somaliland uu si weyn u kordhay tan iyo markii Israel ay bishii December 2025 aqoonsatay Somaliland, safaaradna uga furtay Magaalada Qudus.




