Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha mowqifyada siyaasadeed ee Puntland,…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha mowqifyada siyaasadeed ee Puntland, Jubbaland iyo Somaliland, isaga oo sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay weli aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya, balse ay qabaan tabashooyin siyaasadeed oo ay doonayaan in wax laga qabto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay ka duwan tahay labadaas maamul, maadaama ay iyadu ku dooddo inay tahay jamhuuriyad gaar ah oo madaxbannaan, isagoo xusay in Somaliland iyo Soomaaliya ay midoobeen sannadkii 1960-kii, midnimadaasna ay socotay ilaa burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in burburkii dowladdii dhexe uu sababay kala tagga iyo kala fogaanshaha qaybaha kala duwan ee dalka, hase yeeshee markii dambe inta badan ay dib ugu soo laabteen nidaamka dowladnimada Soomaaliya.
“Puntland & Jubbaland waxa ay ayidsan yihiin Soomaaliya balse waxa ay qabaan tabashooyin kooban Somaliland wey ka duwan tahay, waxa ay ku doodeysaa jamhuuriyad, waxaan midownay 1960-kii waana mideysnayn ilaa 1990-kii markaas oo dowladdii naga duntay, markaas cid kasta wey tagtay, waa se laysu soo laabtay badi”, Xasan Sheekh Maxamuud.




