Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in xisbiga JSP jiri doono 100-ka sano ee soo socota.

4 December, 2025

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey inay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin…

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey inay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin qof iyo cod ah, si uu dalka ugaga tago taariikh u gaar ah sida uu sheegay.

“Isbeddel walba oo dhacaya waxaa hormuud u ah dhalinyarada oo ah kuwa ugu badan ee dalkeena, isbeddelkaasina kuma yimaado muddo kooban ee wuxuu u baahan yahay dulqaad iyo ka go’naansho dhinac walba ah”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu doonayo in guul laga gaaro doorashooyinka dadweyne iyo hanaanka xisbiyada badan ee dalka, isagoo xusay in qorshuhu yahay sidii xisbiya JSP ujiri lahaa 100-ka sano ee soo socda.

“Dalkaan qof walba wixii uu ka tago ayaa taariikhda u geli doona, tusaale ahaan Aadan Cadde ma qof la kulmay ayaa inagu jira, waa maya laakiin waa wada garanaysaan sababtuna waa inuu wax wanaagsan qabtay uuna kursiga ku yimid isagoo aan qori sidan, waxaan rabnaa in 100 sano xisbiyada hadda jira sida JSP ay sii jiraan.