Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay tallaabo ka qaadayaan Isra’il.

Xilli ay Soomaaliya wajahayso maalmo adag oo looga jawaabayo aqoonsigii ay Isra’il siisay maamulka Somaliland ayaa…

29 December, 2025

Xilli ay Soomaaliya wajahayso maalmo adag oo looga jawaabayo aqoonsigii ay Isra’il siisay maamulka Somaliland ayaa madaxweynaha Somalia ku goodiyey inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku difaacayaan madax-banaanida iyo midnimada dalka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxaa ka go’an inay qaado tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed iyo qaanuun oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-banaanideed, midnimadeeda iyo xuduudeheeda caalamku aqoonsan yahay”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Somalia ay soo martay marxalado adag ayna taqaan hanaanka looga gudbo xilliyada adag iyo duulaanada lagu soo qaado.