Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Puntland & Jubbaland.

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa furitaanka kalfadhiga 7aad ee Golaha…

29 September, 2025

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa furitaanka kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ka sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhexjira maamulka Jubbaland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay inay ka go’antahay xal u helidda khilaafyada siyaasadeed ee jira, isagoo sheegay in khilaafka aan lagu xalin karin xoog iyo xabad, balse lagu xalin doono wada hadal iyo is afgarad.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabsaday Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland) sidii aan u raadin laheyn, Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay dooratay inay khilaafka ku xalliso wadahadal, isagoo caddeeyay in dowladdu aysan rabin inay ku xalliso dagaal iyo xabad, “Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wada hadal iyo is afgarad,” ayuu raaciyay madaxweynuhu.