Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuusan dhiig daadin doonin.

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayey eedaymaha xukunkiisa loo jeediyo…

14 August, 2026

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayey eedaymaha xukunkiisa loo jeediyo ee la xiriira hurinta colaadaha gudaha dalka ayaa sheegay inaysan u socon daadinta dhiigga dadka ayna gacanta qaban doonaan cidkasta oo ku hawllan arrinkaasi.

“Qofkii inuu dhiig daadiyo u socda waa ka celinaynaa waa diidaynaa, waa hor istaagaynaa, dowladduna marnaba sideedaba uma socoto inay dhiig daadiso, colaad ma abuurto kamana shaqayso” laakiin qaanuunka iyo sharciga dalka “, Ayuu yiri Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dowladdu ka shaqaynayso in la fuliyo qaanuunka iyo shuruucda dalka si laysugu hayo dadka midnimadana loo adkeey,”Ilaalinta qaanuunka iyo in dalku hal dhinac wada aado oo laysku haayo waa waajibaadka ugu horreeya ee dowladda saaran.”