Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dhammaaday muddo xileed 4 sano ah oo loo doortay xilka…

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dhammaaday muddo xileed 4 sano ah oo loo doortay xilka kuna adkaysanaya haysashada hal sano oo dheeraad ah ayaa ka hadlay qorshihiisa doorashooyinka.
Mar uu la hadlayey qaar kamid ah dhalinyarada isticmaasha aaladda Tiktok ee ku sugan Muqdisho ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inuusan ka tanaasuli doonin go’aankiisii hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.
Waxa uu caddeeyey inuusan marnaba ka laaban doonin ballanqaadyadii uu horay u sameeyey ee ahaa inuu qabto doorashooyin dadweyne aysanna jirin waddo kale oo dib loogu laaban doono.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu fashil ku soo dhammaaday shirar uu Xalane kula lahaa xubno katirsan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay garwadeen ka ahaayeen dalalka UK iyo USA.
Warsaxaafadeed maanta laga soo saaray Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in xukuumada Federaalka ay ka go’antahay hirgelinta mashruuca doorasho Qof & Cod.





