Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir isugu yeeray mucaaradka & maamulada dalka.

19 January, 2026

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay safar uu ku…

Madaxweynaha dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay safar uu ku tegey Magaalada Laascaanood ayaa bilaabay qorshaha wadahadal uu la furo mucaaradka, maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta taageersan.

Madaxweynaha ayaa doonaya in 20-ka bishan Janaayo isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda, kadib digniin dhawaan ka soo baxday golaha mustaqbalka.

Inuu ku dhawaaqo shir wadatashi oo gogoshiisa ka furan tahay caasimadda Muqdisho..

Inay gogosha u furan tahay Mucaaradka iyo siyaasiyiinta taageersan iyo qeybaha bulshada..

Ugu dambayn in qodobadda laga wadahadlayo ay ka mid noqdaan Arrimaha masiiriga ah sida; Midnimada dalka iyo Dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aankaan qaatay kadib markii shirkii Kismaayo laga soo saaray in golaha Mustaqbalku doorasho ka qaban doonaan dalka haddii aan la gaarin heshiis loo dhan yahay oo doorashooyinka dalka quseeya kahor bisha May.