Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimada Jimcada ah ku wajahan dalka…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimada Jimcada ah ku wajahan dalka Qadar oo uu kaga qaybgeli doono shirweynaha Doha Forum 2025 oo dhici doona 6–7 December.
Shir weynaha Doha Forum ayaa looga hadlayaa caddaaladda, fulinta ballanqaadyada dowliga ah iyo arrimo kale, iyadoo lagu casumey Madaxda dowladaha, siyaasiyiinta, diblomaasiyiin, khubaro iyo hoggaamiyeyaasha caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta lagu gudajiro shirka la filayaa inuu ka qeybgalo doodaha heer sare ee arrimaha siyaasadda iyo amniga iyo inuu la kulmo qaar kamid ah madaxda caalamka ee ka qaybgeli doona shirka.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu xafiiska joogey galay safaro dibadeed oo qaarkood lagu dhaliilay inuusan u dirin mas’uuliyiinta Hay’adaha fulinta ee ay qusayso.



