Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay go’aankii lagu laalay…

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay go’aankii lagu laalay heshiisyadii dhexmaray Somalia & dowladda Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa siweyn u taageeray soona dhaweeyey go’aanka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
“Dawladda Imaaraadka Carabta si niyad sami leh ayaan heshiisyada ula galnay, balse Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax bannaan. Marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan sidii hal dal, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aysan dawladda federaalka ka war heyn, kana dhex fulinayaan Soomaaliya gudaheeda, kuwaasoo xad-gudub ku ah haybadda iyo qaranimada Soomaaliya”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray,” Ka baaran-dagis dheer iyo qiimeyn kadib, waxaa qasab noqotay in aan qaadano go’aammadii shalay aan qaadanay oo lagu baabi’iyay heshiisyadii aan la galnay Imaaraadka.”



