Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero u balanqaaday Puntland.

22 February, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kulanka isku dhafka ah ee…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kulanka isku dhafka ah ee golayaasha barlamaanka ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabaddiidka ee ka socda qaybo kamid ah dalka.

Ugu horrayn madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey dagaalka ay ciidamada Macawisleeyda iyo kuwa DFS kula jiraan Alshabaab ee ka socda qaybo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay daggaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Gobolka Bari, wuxuuna balanqaaday in dowladda Federaalka ay guddi u saari doonto taageerada Puntland, si loo xoojiyo dagaalkaas.

“Waxa aan garab taagan nahay shacabkeenna Puntland, guddi ayeyna Dowladda Soomaaliyeed u saaraysaa taageeradooda,” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.