Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safraya qaar kamid ah dalalka Carabta.

2 January, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safraya boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo halkaasi kula kulmi…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safraya boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo halkaasi kula kulmi doono Dhaxal sugaha Sacuudiga Boqor Bin Salmaan.

Sucuudiga iyo Soomaaliya ayaa siweyn uga arrinsan doona siddii looga hortagi lahaa gardarada iyo faragelinta Israa’iil ku soo qaadday madaxbanaanida iyo midnimada Somalia.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa safka hore kaga jirta dalalka taageeray midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, arrinta aqoonsiga Waqooyi Galbeed iyo In Israa’iil halkaas soo dagto waxa ay u arkaan khad cas oo lama taabtaan ah.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Somalia ayaa la qorshaynayaa inuu Sucuudiga ka dib safar ku tago dalka Masar oo ah saaxib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay xilliyada adagna garab istaaga.