Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray magaalada Kampala ee…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray magaalada Kampala ee dalka Uganda, muddo 24 saac kayar safar uu kaga yimid dalka Jabuuti.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Uganda ayaa salka ku haya ka qaybgalka caleemosaarka Madaxweyne Yoweri Museveni oo qabsoomaysa 12-ka May 2026, kadib markii dib loogu doortay doorasho xisbiyadeeda la xadidey.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxweyne Museveni, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa madaxda sare ee dalkaas iyo mas’uuliyiin kale.
Saddex maalmood ayaa ka dhimman muddo xileedkii rasmiga ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku adkaysanayaa in waxka-beddelkii dastuurku uu u sahlayo hal sano oo dheeraad ah oo lagu qaban doono doorashooyin dadweyne.



