Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada kulamo lagu qancinayo Mahad Salaad.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo siyaasadeed oo xasaasi…

28 May, 2026

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah ka wada deegaannada maamulka Galmudug, xilli ay cirka isku sii shareerayso doodda ku saabsan isbeddelka siyaasadeed iyo hoggaanka maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee saami qeybsiga siyaasadeed la wadaaga Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Mohamed Salad oo ka biyo diidey qorshaha Madaxtooyada.

Ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in kulamada diiradda lagu saarayo qorshaha isbeddelka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inuu ka hirgeliyo Galmudug, gaar ahaan arrimaha la xiriira hoggaanka siyaasadda, maamulka iyo sida loo wajihi doono marxaladaha soo socda ee maamulkaasi.

Kulanka maanta ayaa ku soo aadaya muddo kooban kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad ay mar kale yeesheen wada-hadallo ku saabsan xaaladda Galmudug iyo qodobbo wali muran ka taagan yahay.

Mahad Salaad ayaa doonaya in dowladdu u sharaxdo Madaxweynaha maamulkaasi gaar ahaan xisbiga dowladda ee JSP, halka Madaxweynuhu qorshaynayey in booskaasi la geeyey Liibaan Shuluq oo kamid ah ganacsatada Galmudug, tallaabadaasi ayaa abuurtay diidmo katimid Mahad Salaad.