Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay gogosha ay dhigtay Villa Somalia…

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay gogosha ay dhigtay Villa Somalia oo maalinimadii shalay laga daahfuray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in gogoshaani ay ahmiyad gaar ah leedahay maadaama ayna dowladdiisu ka baryeyso inay soo horfariistaan kana faa’iidaystaan fursaddaan dahabiga ah.
“Haddii xilligii hore ay dhici jirtey in siyaasiyiintu dhihi jireen waxaan rabnaa in nalala hadlo, maanta waxaan ku faraxsanahay inaan dhignay golaha oo aannu baadi goobayno siyaasiyiinta naga aragtida duwan ku baryeyno in nalala hadlo”, Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri markale,””Meeshii hoggaamiyayaasha lagu baryi jirey maanta anaga ayaa baryootamayna oo leh hanala kala hadlo danta caamka ah ama bulshadooda inay soo horfariistaan inta siyaasadda danaysa”.



