Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.
Ugu horrayn Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aysan ka dalban wax taageero ah si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isagoo tilmaamay inay jiraan ciidamo heer federal ah oo ku sugan Puntland.
“Dagaalka Daacish Puntland wax ay naga codsatay ma jirto, hadii loo baahdo Puntland waxaa jooga Ciidamo Federaalka ka amar qaata oo daqiiiqad kasta dagaalka gali kara”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in mucaaradka DFS ay iska indhatirayaan doonista bulshada Soomaaliyeed ee ah inay soo doortaan cidda xukumaysa, isagoo sheegay inaysan dowladdiisu aqbali doonin wax muddo kororsi ah sida uu hadalka u dhigay.
“Mucaaradku waa iska indho iyo dhega tirayaan Dadka Soomaaliyeedna waa ay garanayan Mowqifkayga hal teeram ayaan soo xukumay, iyadoo hay’adaha Dowlada Rabeen Muddo kororsi Ninka diidanaa ayaan ahay, Farmaajana Markuu muddo kororsi aqbalay Ninkii Diiday baan ahay Qorshahana Nooguma jirto.”



